Bisha Ramadaani waa bil khayr, waana bil barako, waxaan illaahay ku gooni yeelay fadli iyo wanaag farabadan, oo aad iyo aad u weyn waana fursad sanadkii hal mar soo martah dadka muslimiinta ah
waa maxay soon?
mecnaha luqadeed ee soon: ereyga soon waa erey asal ahaan carabi ah, micnahiisuna waa hadalka af-xirasho.
soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee islaamka waxaana la waajibiyay soonka sanadkii labaad ee Hijriyada.
wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwoda ugu fadliga badan.
sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soonka la niyaysto iyo in laga fogaado waxyaabaha soonka soonka burriya, sida cunista, cabista, xanta,iwm, inta u dhaxeysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo.
si loo helo lona gaaro ajar weyn oo ilaahay ugu talagalay addomahiisa
Astaamaha bish barakeysan ee ramadaan:
Bisha ramadaan waxay leedahay calamado bada, oo ilaahay u gaar yeelay waxaana ka mid ah
- waa bishii quraanka ilaahay soo dajiyay
- waa bil habeen kasta oo ka mida ilaaheey uu dad badan naarta ka xoreeyo
- waa bil shayaadiinta oo dhan la xiro
- waxaa la furaa albaabada jannada
- waxaa la xiraa albaabada naarta
- waxaa ku jira Laylatul-qadriga waa habeen ka khayr badan kun bilood
Tiirarka bish soon
soonku wuxuu leeyahay labo tiir oo waweyn waxaana ka mid ah
- in laga fogaado lagana reebtoomo waxyabaha soonka jabiya
- Niyad: qofka soomani waxaa laga donayaa inuu niyeysto soonka sababtoo ah niyad haddey jirin lama aqbalaayo camalka hadduusan niyad wadan.
Shuruudaha soonka
- waa in uu yahay muslim maxaa yeelay qof gaal ah soon maka ansaxaayo
- waa in uu yahay qof caqli leh
- waa in uu yahay qangaar
- waa in uu yahay daahir
- waa in uu musaafir ahayn
Fadliga soonka:
soonku waxa uu leeyahay fadli aad iyo aad u weyn, Quraanka iyo Axaadiista ayaa aad uga hadlay bisha ramadaan iyo fadligeeda.
fadliga bisha ramadaan waxaa ka mid ah, in marka bisha soonka soo galeyso lafuro albaabada jannada lana xiro albaabada naarta, in ilaahay u danbi dhaafo qofka sooma bisha ramadaan isaga oo rumeysan ilaaheyna ajar kaga doonaya.
sidaa daraadeed walaalayal waxaa nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa in aan bisha ramadaan fadligeeda ka faaiideysano.
Maxaa burriya soonka
waxaa jira waxyaabo in soonka laga ilaaliyo lagana fogaado ay wanaagsantahay, wax yabahaas haddii ay dhacaan soonka uu burrinaayo, waxaana ka mid ah
- cunis iyo cabis haddii uu qofku si ulakac ah u cabo ama cuno isaga oo soomanaa soonkaasi wuu burayaa
- mataga in si u lakac ah laskaga keeno
- Galmada raga iyo dumarka
- imaanshaha dhiiga cadad ama dhiiga dhalmada haweeneyda
- faleeboyinka iyo cirbadaha haddii qofka lagu duro.